Ilbaxnimadii Masaaridii Hore: Mucjisadii Nil iyo Aasaaskii Aqoonta


 Hordhac

Miyaad is weydiisay

 sababta ilbaxnimadii

 Masaaridii hore ay weli

 u tahay  mucjisada ugu weyn

 eeay aqoonyahannadu

 darsaan? In ka badan 3,000 oo 

sano, waxay dhisnteen nidaam dawladnimo, injineernimo,iyo 

mid luqadeed oo aan caalamku hore u arag. Maanta, Mayow Info waxay kuu

 soo bandhigaysaa dhinac cusub oo ku saabsan Masaarida, gaar ahaan sida ay

 u qaabeeyeen habka aan u fikirno.


1. Webiga Nil: Xididka Nolol kasta

Masaaridu waxay dhihi jireen, "Masaari waa hadiyadda Webiga Nil." Webigan 

ma ahan uun biyo, balse wuxuu ahaa halbawlaha dhaqaalaha iyo beeraha. 

Waxay dejiyeen nidaam lagu cabbiro fatahaadda webiga, taas oo keentay inay 

horumariyaan cilmiga Xisaabta (Mathematics) iyo Cirbixiyeenka (Astronomy) 

si ay u ogaadaan xilliyada wax la beerto.

2. Farta Hieroglyphics: Luqadda Sawirka ah

Takhasuska Applied Linguistics-ka, Masaaridu waxay kaga jiraan kaalinta 

koowaad ee hal-abuurka qoraalka. Waxay isticmaali jireen farta Hieroglyphics 

oo ka kooban in ka badan 700 oo calaamadood. Sidoo kale, waxay ahaayeen 

dadkii ugu horreeyay ee hindisay warqad laga sameeyo geedka bardaha (Papyrus), taas 

oo fududaysay in aqoonta la qoro oo la keydiyo.

3. Ahraamta iyo Xiriirka Geeska Afrika

Ahraamta Giza waa calaamad muujinaysa xariifnimada bini-aadamka iyo 

aqoonta joomateriga. Dhinaca kale, taariikhdu waxay xustaa xiriirkii ganacsi 

ee ka dhexeeyay Masaarida iyo dhulka Punt (Geeska Afrika). Safarradii 

Boqoraddii Hatshepsut waxay markhaati u yihiin xiriirka qadiimiga ah ee 

udugga iyo kheyraadka ku dhisnaa.

Gunaanad

Masaaridii hore nooguma tegin uun dhagaxaan, waxay nooga tageen nidaam 

qoraal iyo mid aqooneed oo weli dunida maanta hagaya. Fahamka taariikhdan 

waxay inoo sahlaysaa inaan si fiican u darsano luqadaha iyo ilbaxnimada 

aadanaha.

Ma jiraa qayb kale oo ka mid ah ilbaxnimadii Masaarida oo aad jeclaan lahayd 

inaan qoraal dambe kaga hadalno?

Fikirkaaga waa noo muhiim! Hoos noogu reeb faalladaada.

Stay in the Loop πŸ“œ

Level up your knowledge and your business. Join our community for weekly professional insights.