Friday, 8 May 2026

Ilbaxnimadii Sumeeriyiinta: Halka ay ka istaagtay Ilbaxnimada iyo Qoraalka Dunida




Markaan ka hadlayno taariikhda bini-aadanka, ma jirto meel ka muhiimsan dhulka 
u dhaxeeya labada wabi ee Dajla(Tigris ) iyo Furaat(Euphrates) (Mesopotamia) oo 

hadda loo yaqaan dalka Ciraaq. Halkaas, in ka badan 5,000 oo sano ka hor, waana halka 

ay ka istaagtay ilbaxnimadii Sumerian-ka, taas oo adduunka beddeshy .


​1. Kacaankii Qoraalka: Cuneiform

​Anigoo ah arday baranaya cilmiga luqadaha (Linguistics), waxaan u arkaa guusha ugu 

weyn ee Sumerian-ka inay ahayd hindisidda qoraalka. Waxay ku bilaabeen sawirro 

yaryar (Pictographs), laakiin waxay u beddeleen nidaam adag oo loo yaqaan  

Cuneiform.

​Maxay ahayd sababta kaliftay inay alifaan? Markii hore ma aysan u adeegsan jirin 

suugaan, ee waxay u isticmaali jireen inay ku qoraan ganacsiga, canshuuraha, iyo tirada 

xoolaha.

Waa maxay saamaynta ay ku leedahay dunida maanta? Haddii aysan Sumerian-ku bilaabi 

lahayn qoraalka, maanta ma aanan hirteen buugaagta, internet-ka, ama cilmiga aan 

baranno. Waxaanu dhihi karnaa, waa bilowgii wax qorista.

​2. Magaalo-Goboleedyadii ugu Horreeyay

​Sumerian-ku ma lahayn boqortooyo isku xiran oo hal meel laga xukumo, laakiin waxay 

lahaayeen magaalooyin madax-bannaan iyo waxay ahayd boqortooyo magaalo-

dawladeedyo ah sida Ur, Uruk, iyo Lagash. Magaalo kasta waxay lahayd macbad weyn 

oo loo yaqaan Ziggurat , kaas oo u dhisnaa qaab Ahraamta u eg laakiin dushu ay fidsan 

tahay. iyo waxay lahayd nidaam u gaar ah. 

​3. Cilmi iyo Xisaab

​Ma ogtahay in saacadda aad xirato ay raad ku leedahay Sumerian-ka? Waxay hindiseen 

nidaamka xisaabta ee ku dhisan 60 (Sexagesimal system).

 Taas ayaa keentay in:

  • Daqiiqadu noqoto 60 ilbiriqsi.
  • ​Saacaddu noqoto 60 daqiiqo.
  • Goobada (Circle) loo qaybiyo 360 darajo.


Gunaanad

Ilbaxnimadii Sumerian-ka ma ahan oo kaliya taariikh hore oo dhammaatay, waa 

aasaaska nolosha aan maanta ku noolnahay. Macallin ahaan iyo arday ahaanba, 

barashada dadkan waxay na tusaysaa sida hal-abuurka bini-aadanku uu u beddeli karo 

dunida.


Eray bixin

Cuneiform: waa fartii ugu horreeysay oo ay alifeen boqortooyadii Sumerian-ka 

Mesopotamia: waa loo yaqiinay inta u dhaxeeysa labada webi ee Dajla iyo Furaat oo 

maanta tahay dalka Ciraaq.

Sumerian-ka/ Suumeriyiin: waa boqortooyadii ugu Horreeysay ee adduunka oo ay 

jirtay 5,000 NCH.


Horay ma u maqashay boqortooyadan?

 Maxaase ka fahamtay? 

Nala wadaag ilbaxnimo kale aad jeclaan lahayd inaan ka hadalno.

No comments:

Post a Comment

Fadlan nala wadaag fikirkaaga ama su'aal kasta oo aad ka qabto maqaalkan. Mahadsanid!

(Please share your thoughts or ask any questions about this post. We value your feedback)

Ilbaxnimadii Masaaridii Hore: Mucjisadii Nil iyo Aasaaskii Aqoonta

  Hordhac Miyaad is weydiisay sababta  ilbaxnimadii Masaaridii hore  ay weli u  tahay   mucjisada ugu weyn ee ay  aqoonyahannadu darsaan? In...